Hay’addu waxay sharraxaad kabixisay in kumannaan carruur ah ay wajahayaan khatar xoogan oo kusoo fool leh, taas oo ay ugu wacan tahay xaaladda nafaqo ee sii xumaanaysa, waxaana ay khatar gelinaysa noloshooda.
Hay’addu waxay xustay in dhaqaale yarida daba dheeraatay ay curyaamisay dadaalladii bani’aadamnimo, taasoo ku khasabtay hay’ado badan inay yareeyaan ama xiraan barnaamijyadooda, taasoo sii kordhin karta dhibaatada xaga nafaqada.
Hay’addu waxay ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha samafalka inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo in xaaladda bini’aadantinimo ay sii xumaato, iyadoo ka digtay in cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii aan si dhaqso leh looga jawaabin.
Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UNOCHA), 1.7 milyan oo caruur ah ayaa la filayaa in ay soo wajahdo nafaqo darro ba’an sanadka 2025-ka, kuwaas oo ay ku jiraan 430,000 oo caruur ah kuwaas oo wajihi doona nafaqo darro aad u daran, waxaana ay u baahnaan doonaan in la badbaadiyo noloshooda.