Galmudug oo u muuqata mid kasii degayso Tareenka doorasho ee qof iyo Cod

6

Galmudug ayaa u muuqata mid kasii dhacaysa tareenka doorasho ee qof iyo Cod waxaana bilowday ololo siyaasadeee oo lagu doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto Doorasho.

Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulamo siyaasadeed oo ay sameenayaan dhinacyada siyaasada Galmudug gaar ahaan Musharaxiinta oo doonaya in la qabto doorasho sida ugu dhaqsiyaha Badan.

Waxaa bilowday Isbahysiyo ka dhan ah madaxweynaha Galmudg si loo qabto doorasho dadban oo sids ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Siyaasiyiintan ayaa u arkay doorashada qof iyo cod mid waqti dheereesi ah oo aysan jirin wado ama dhabo sax ah oo loo qaadayo marka laga tago in afka un laga sheego.

Xaalada siyaasadeed ee Galmudug ayaa sii cakirmaysa waxaana sii xoogaysanaya damaca siyaasadeed siyaasiyiinta isbadal doonka ah.

Siyaasiyiinta haatan doonaya doorasho dadban ayaa la tilmaamay in ay yihiin siyaasiyiin aad ugu dhawaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la tilmaamayaa inuu kamid yahay Taliyihii hore ee Nisa Mahad Salaad, Musharax Liibaan Shuluq iyo siyaasiyiin kale.

Galmudug ayaa u muuqanaysa mid kasii dagaysa Tareenka Madaxweyne Xasan sheekh iyada oo raacaysa Tarernkii ay horay u raaceen Puntland iyo Jubaland.

Hadii Galmudug ay qabsato doorasho dadban waxaa muuqanaysa in uu fashilmay hankii dowladda ee doorasho qof iyo Cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaliya haysta saaxiibo siyaasadeed oo kooban marka loo eego Dowlad Goboleedyada kuwaasi oo kala ah Galmudug, Hir shabelle iyo KGS oo qarka u saaran in laf ahaanteeda ka dagto Tareenka halka Galmudugna ay soo daba heyso.

Villa Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo aad u adag oo la xiriira dhinaca Doorashooyinka iyadoo uu hoos usii dhacayo suurtagalnimada in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod.