Maraykanka iyo Somaliland oo ka wadahadlay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland

3
Dowladda Maraykanka iyo Somaliland ayaa ka wadahadlay arrinta aqoonsiga, iyada oo la filayo in maamulka Trump uu aqoonsi siiyo Somaliland, sida uu qoray wargeyska Financial Times.

Wargayska ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka ay ka warbixiyeen bilowga wadahadallo ku saabsan heshiis uu Maraykanku ku aqoonsanayo Somaliland, isaga oo ku beddelanaya saldhig ciidan oo ay Washington ku yeelato magaalada Berbera.

Sarkaalka arrintan uga warbixiyay Financial Times ayaa sheegay in Maraykanku uu soo hadal qaaday rabitaankiisa ah in qayb ka mid ah dadka reer Qasa la keeno Somaliland, balse arrintaasi aysan ahayn qodob muhiim ah oo ku jira wadahadalada u socda dhinacyada.

Wuxuu intaas ku daray in Trump aanu weli magacaabin, isla markaana si buuxda u hawlgelin madaxda xafiiska Maraykanka ee Afrika, sidaa darteedna wadahadalladani ay yihiin kuwo xasaasi ah oo la qarinayo.

Kadib markii uu xilka la wareegay Donald Trump, warbaahinta Maraykanka ayaa si isdaba joog ah u qortay in Maraykanku uu aqoonsan doono Somaliland. Somaliland waxay saaxiibo badan ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, sidoo kalena waxaa dhowr jeer la horgeeyay Koongareeska Maraykanka sharciyo dhigaya aqoonsiga Somaliland.

Dowladda Soomaaliya, oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa ku gacansaydhay dadaallada aqoonsiga Somaliland ee ay waddan xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyada oo sheegtay in tallaabadaasi dhaawici karto wadashaqeynta labada dal.