Mareykanka iyo Israel oo sheegay inay Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan kala hadleen qorshaha Trump ee qaabilaada Shacabka Gaza

5
Saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil ay la xiriireen mas’uuliyiin ka kala socday Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan, si ay ugala hadlaan barakicinta Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza iyo sida ay u qaabili lahaayeen, iyadoo la raacayo qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Xiriiradaas oo ay la yeesheen dalalka Sudan, Soomaaliya waxaa soo raacaya Somaliland, waxa ay ka turjumaysaa sida ay Maraykanka iyo Israa’iil uga go’an tahay inay ku dhaqaaqaan qorshe si weyn loo cambaareeyey, isla markaana dhaliyey arrimo culus oo dhinaca sharciga iyo damiirka ah.

Sababtoo ah labadaan waddan waa sabool, oo ay aafeeyeen rabshado, soo jeedintu waxay shaki gelinaysaa yoolka uu sheegay Trump ee ah barakicinta shacabka Gaza  si magaaladaasi looga dhigo goob qurux badan. Sida uu xusayo qorshaha Trump ee 2025.

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in ay ku gacan seyreen hadalka ka soo yeeray Mareykanka, halka mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen in aysan ka warqabin wax xiriir ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Sida uu dhigayo qorshaha Trump, in ka badan laba milyan oo deggan Gaza ayaa la doonayaa in la barakiciyo si Mareykanka uu u dhiso magaaladaasi kadibna la wareego balse Falastiiniyiinta ku sugan Qaza ayaa diiday soo jeedinta, iyaga oo diidan sheegashada Israa’iil ee ah in ay noqon doonto “guuritaan ikhtiyaari ah”.