Xiisad dagaal oo saaka ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Sool

7

Xiisad dagaal ayaa saaka oo Sabti ah ka aloosan jiidda Buqdharkayn ee galbeedka gobolka Sool, halkaasi oo shalay dagaal culus uu ku dhexmaray Ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland.

Gurmadyo ciidan  oo aan kala joogsi lahayn ayaa xalay ilaa iyo saaka  ku biiray ciidamada labada dhinac ee shalay ku dagaalamay, welina isku horfadhiya jiidda Buqdharkayn, kuwaasi oo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-khaatumo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii shalay Buqdharkayn ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 30 qof, Inkastoo SSC-khaatumo iyo Somaliland midna aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha dagaalkaasi.

Balse, SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa mid kasta kan kale ku eedeeyay in uu weerarka soo qaaday, haddana ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheeegashada labada dhinac.

Waxaa saaka laga casbsi qabaa inuu dagaal culus uu markale ka qarxo deegaanka Buqdharkeyn ee galbeedka Sool, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska horjeeda laga dareemayaa deegaanada ay colaada ka taagan tahay.