Ra’iisul Wasaare Shirdoon waxa uu cadeeyay in Dowladda looga fadhiyo in xayiraadaha kale ee saaran magaalooyin kale oo ka tirsan degaanada Jubalanad inay si dhaqse leh uga qaado maadama ay dhibaato xoogan ay arrimaha duulimaadka kala kulmayaan shacabka rayidka.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka ay Dowladda Federaalka uga qaaday xayiraaddii duullimaadyada magaalada Baardheere, Waa tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon.
Waxa uu hadalkaan soo dhigay barta uu ku leeyahay X waxana uu sii raaciyay “Sidoo kale, waxaan mar kale ugu baaqayaa Dowladda Federaalka inay si degdeg ah u fasaxdo duullimaadyada magaalooyinka kale ee Jubaland, Mar dambe in xayiraad la saaro qeyb kamid ah dalka waa in laga fogaadaa”.
Ugu dambeeyay waxa uu shaaca ka qaaday in Xayiraadaha noocan ah ay khilaafsan yihiin Dastuurka iyadoo saameyn taban ku yeeshay nolosha shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga, Gaar ahaan, bukaannada u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah, ganacsatada iyo ardayda u safraysa waxbarashada.