Gudoomiye Amiir oo daah furay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan

4

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa daah furay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ku tartami doono Arday ka kala socda Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan BFS, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agaasimeyaal, Maamulada Dagmooyinka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Macalimiinta Dugsiyadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa u balan qaaday ardayda kaalmaha wanaagsan kagala tartankan qur’aan aqriska ah in heli doonaan abaalmarino ay ku farxaan iyaga iyo waalidiintooda.