MW Deni oo 7 cisho u qabtay in ay cafis ku dalbadaan dadka la shaqeeya IS

3

Madaxweyne dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo habeenimadii xalay ka hadlay dagaalka argagixisada ayaa sheegay in wejiga xiga ee hawlgalku bilaaban doono maanta oo Jumce ah, wuxuuna cafis ku siman 7 cisho u fidiyey dhammaan xubnaha Soomaalida ah ee wadashaqaynta laleh kooxdaasi iyo dhammaan ajaaniibta doonaysa inay isku dhiibaan ciidamada dowladda.

“Waxaan rabaa halkaan inaan baaq uga diro dadka Soomaaliyeed ee Daacish la shaqaynayey ee magaalooyinka ku sugan, taakulada siinayey, lacagaha u ururinayey dadka gudbinayey iyo kuwa soo dhoweynayey, waxaan rabaa inaan ugu baaqo inay laamaha amniga la soo xiriiraan liisaskooda waa haynaa 7 ciddii ku imaan wayda tallaabo sharci ah ayaan ka qaadaynaa, waxay isugu jiraan dhaqan, culimo, ganacsato iyo xubno kale todobadaas beri waxaan ugu talagalnay anagoo mustaqbalka dadkeena fursaddaas inaan siinno, qofkii cafiskaas qaadan waaya tallaabadiisa waqtigeeday imaan doontaa”, Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhankalena madaxweynaha Puntland ayaa farriin u diray xubnaha ajaaniibta ah ee Daacish,”Waxaan kaloo rabaa inaan u sheego dadka cadawga ah ee soo duuley todobadaas ciddii isku soo dhiibaysa dalalkoodii ku noqonaysa fursadbay haystaan waa ognahay carruur bay keensadeen, xaasas baa kujira, madoonayno inaan maxaas layno, haddii ay middaas dhici waydo waxaan qaadaynaa tallaabada ku habboon”.