Madaxweyne Deni: Daasaan waxay ahayd saldhigga ay Daacish ka abaabuli jirtay weerarada ay ka fuliso caalamka

5
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in xog ay heleen dowlad shisheeye ay daaha ka rogtay in deegaanka Daasaan, oo dhawaan laga saaray kooxda Daacish, uu ahaa xarunta ay kooxda ku qorsheyn jirtay weerarrada argagixisada ee ka dhaca dalalka caalamka.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in saddex ka mid ah deegaannada laga saaray Daacish—Sheebaan, Daasaan, iyo Dhaadaar—ay ahaayeen goobihii laga hagayey howlgalladii ay kooxda ka fulisay meelo kala duwan oo caalamka ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in khatarta Daacish aysan ku koobnayn oo kaliya Puntland, balse ay ahayd mid caalami ah oo Puntland ay doorkeedii ka qaadatay la-dagaallankeeda.

Sidoo kale, Deni wuxuu tilmaamay in deegaanka Daasaan uu ahaa xarun muhiim ah oo ay ku dhuuman jireen horjoogayaasha sare ee Daacish, iyaga oo halkaas gabaad ka dhiganayay si ay uga badbaadaan beegsiga ka dhanka ah. Wuxuu intaa ku daray in Daacish damac weyn ka lahayd inay qabsato magaalada Boosaaso.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda Daacish ay diyaarinaysay qorshayaal waaweyn oo lagu wiiqayo amniga Puntland, si ay fursad ugu hesho inay sii ballaariso awooddeeda.

Xalay ayay ahayd markii Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay in maanta la bilaabayo wejiga saddexaad ee howlgalka ka dhanka ah Daacish. Sidoo kale, wuxuu muddo toddoba maalmood ah u qabtay cid kasta oo doonaysa in loo fidiyo cafis.