Warmurtiyeed ka soo baxay shirka Muqdisho ay ku yeesheen MW Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed.

4

Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sii xoojiyaan xiriirkooda, ayna yeeshaan iskaashidhinacyada; Amniga, dhaqaalaha & mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, kadib shir ay Muqdisho ku yesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

War-murtiyeedka labada hoggaamiye ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen labad dowladood ee ku saabsan howlgalka AUSSOM oo Itoobiya ay ciidamo ku yeeleneyso howlgalka Midowga Afrika

Warmurtiyeedka ayaa u qornaa sidan:-

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay Mudane Abiy Ahmed, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, intii uu ku sugnaa booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya.

Booqashadan oo daba socota kulamo xiriir ah oo labada dhinac ay yeesheen bilihii la soo dhaafay waxay xoojinaysaa dib u hagaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxay markale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay wadaagaan si ay uga faa’iidaystaan labada shacab. Iyagoo garwaaqsan xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xadka ay wadaagaan, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni, iyada oo loo marayo xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho.

Ethiopia iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal iyo himilo wadajir ah oo ku aaddan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyaga oo taas ka duulaya, labada hoggaamiye waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda muhiimka ah ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgal dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka shacabka.

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyay Bayaanadii Ankara, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay wadahadal wax dhisaya iyo iskaashi.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay sidoo kale soo dhaweeyeen is-afgaradka ay gaareen taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Ethiopia (ENDF), iyada oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka.

Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha guud, horumarinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo wanaajiyo nolasha muwaadiniintooda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxaa lagu saxiixay Muqdisho, Soomaaliya 27 Febraayo 2025