Ciidamada Puntland oo dagaal la’aan kula wareegay tuulada Dhasan oo ah meelihii ugu dambeeya ee Daacish

4
 Ciidamada amniga Puntland ayaa ku guulaystay inay gudaha ugu galaan tuulada Dhasaan ee gobolka Bari, iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammanka. Tuuladan ayaa horey loogu arki jiray in ay tahay xarunta ugu weyn ee kooxda Daacish ku leedahay gobolka.

Dhasaan iyo sidoo kale Bohol-Dhasan waxay ahaayeen meelaha ugu dambeeya ee  Togga-Jaceel uu ku dhammaado ee gudaha buuraha Calmiskaad.

Deegaanadan ayaa waxay muddo dheer hoy u ahaayeen horjoogayaasha ururka Daacish.

Gelitaanka ciidamada Puntland ee Dhasaan waxay muujinaysaa guul weyn oo ay ciidamada Puntland ka gaareen dagaalka lagula jiro Daacish, taasoo suurtagal ah inay meesha ka saarto joogitaanka ururka Daacish ee gobolka Bari.

Lama oga halka ay aadeen dagaalamayaashii Daacish, inkastoo qeybo kamid ah ururku ay weli ku sugan yihiin farriisin kuyaala qeybo kamid ah gobolka Baro, gaar ahaan aagga degmada Ufayn.

La wareegitaankaa dhulkan ayaa noqonaya in lasoo gabagabeeyay wajigii labaad ee howlgalka Daacich. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in wajiga saddexaad lagu bartilmaameesan doono firxadka Daacish iyo dadka gacan saarka la lahaa Daacish ee ku sugan magaalooyinka Puntland.