Fadhigii Maanta ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan waxaana xaadirtay oo kaliya 137 mudane waxaana ka dhinnaa oo kaliya si kooramka uu ubuuxsamo laba xildhibaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin culus u diray xildhibaanada wali dibadda ku maqan ee aan fadhiga soo xaadirin.
Waxa uu Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in ajendeyaal waa weyn ay horyaalaan kalfadhigaan ayna doonayaan inay waqti fiican u helaan balse xildhibaanadda ay tahay inay kooramka soo buuxiyaan oo aysan ka maqnaan fadhiya baarlamaanka.
“Waa inaan gudanaa waajibaadkeeni Qaran, waxaa ceeb nagu ah inaan sabtida kooram la’aan noqono, waa in waajibaadkiina gudataan, kuwa maanta maqan ee sababay inuu maanta furmi waayo baarlamaanka aad iyo aad ayaan uga xunnahay, waxaan leeyahay hala yimaado baarlamaanka waana baaq, waxaana bilaabi doonaa inaan yeerino magacyada xildhibaanadii soo xaadiri waayo Golaha Shacabka”. ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe.
Ka hor inta uusan furmin kalfadhigaan waxaa jiray warar sheegayay in xildhibaanada Golaha shacabka ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.