Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu ka qeybgalay kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse.
Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dagaalka Daacish ee ka socda Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay taageero Puntland.
Waxaan garab taaganahay Ciidanka Puntland iyo Shacabkooda ee u bareeray halista Daacish, waa dagaal xaq ah, DFS waxay magacaabaysaa guddi qaabilsan Taakulada Puntland”.