Waxaa saakay dib loo furay goobaha Ganacsiga ee Suuqyada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa ugu weyn ee Bakaaraha oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay xirnaa.
Dib u furista suuqa ayaa timid kadib markii ay kulmeen Guddiga ay ku mideysan yihiin ganacsatada gobolka Banaadir iyo kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayna wada gaareen is faham hordhac ah oo ku aadan cabashadooda.
Xubno ka tirsan Guddiga Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa u sheegay Sheekh Aadan Madoobe in dhibaato xoogan ay ku qabaan lacagaha aan hakadka lahayn ee dowladda Federaalka marba dhinac uga keeneyso sidaas awgeed loo baahan yahay in xal waara loo raadiyo.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ganacsatada faray iney dib u furaan goobahooda ganacsiga, islamarkaana laga dulqaadayo culeysyada caqabadda ku noqday ee sababay in la xiro inta goobaha ganacsi ee muhiimka ah ee ku yaala Muqdisho.
Xirnaashaha suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn guud ahaan dalka ayaa ah mid soo noq noqotay, waxaana ganacsatadu ay mar walba u xiraan goobahooda ganacsi cabashooyin ku aadan canshuuraadka dowladdu kusoo rogto, taasoo ay sheegeen ineysan suurtagalin karin sii furnaashaha ganacsiyadooda.