Gobolka Gedo waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo oo khatar ah, oo saameyn ku yeelatay Shacabka, Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada ku sugan gobolka. Dadka ku dhaawacma qaraxyada Alshabaab ma heli karaan gar gaar caafimaad oo deg deg ah hadii ay u baahdaan diyaarado loogu soo qaado isbitaalada waaweyn ee Muqdisho. Dayac la xiriira arintaasi waxaa Muqdisho ugu geeriyooday gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo Siyaasada degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo Cabdi Fataax Nuur kaasi oo la la eegtay qarax , kadibna loo waayay diyaarad lagu soo qaado inkastoo goor dambe oo xeero iyo Fandhaal kala dheceen loo helay diyaarad usoo qaaday Muqdisho kadibna uu ku geeriyooday. Culeyska ugu badan ee Saaran gobolka Waa xayiraada dhinaca duulimaadyada, oo dhibka ugu badan uu ku dul hagooganayo shacabka gobolkaaasi. Gaashaanle Guhaad Maxamuud Cumar oo kamid ah saraakiisha Milatariga ee ku sugan gobolka Gedo oo u waramayay Shabelle ayaa waxa uu sheegayaa in xaaladu ay tahay mid halis ah, islamarakaana gobolku uu cagaha lasii galayo xaalado bani aadanimo oo dadku aysan heli katin wax gargaar ah. Waxa uu tilmaamay in Markii hore ay taageereen dowladda si meesha looga saaro Axmed Madoobe, balse dowladiiba ay xayiraad saartay gobolka, waxa uu ka dalbanayaa madaxda dalka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo duulimaadyada dhinaca hawada gobolka. Gobolka Gedo waxa uu kamid yahay gobolada saameenta xoogan inta badan ay ku yeeshaan isqabqabsiga dowladda iyo maamulka Jubaland, oo aalaaba uu u yahay dhibane.

9

Bishan Janaayo 2025, askarta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa bilaabay olole baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kaasi oo ay ku muujinayaan cabasho ku saabsan mushaar la’aan.

Sida caadiga ah, askartu waxay mushaarkooda helaan 25-ka bisha, hase yeeshee, ilaa maanta oo ay tahay 28-ka Janaayo, weli ma aysan helin mushaarkooda, taasoo dhalisay shakiga ah in mushaarka bishan la waayi karo.

Ololahaan oo loogu magac daray ‘Waa Lagala Shakiyay’ ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyada oo askartu muuqaallo iyo fariimo ku baahinayaan TikTok, iyaga oo muujinaya dareenkooda ku aaddan dib u dhaca mushaarka iyo saameynta ay ku yeelatay noloshooda iyo waajibaadkooda shaqo.

Ilaa hadda, Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya kama aysan hadlin cabashadan ay soo jeediyeen askarta dowladda.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Askarta Soomaaliya ayaa si toos ah u heli jiray mushaarkooda 25 bisha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay waddo dadaallo lagu xoojinayo dakhliga gudaha si loo hubiyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Bishii Agoosto 2024, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqday hirgelinta canshuurta iibka ee 5% ah oo laga qaadayo badeecadaha iyo adeegyada, taasoo qeyb ka ah qorshaha lagu maalgelinayo adeegyada muhiimka ah ee dowladda, sida bixinta mushaaraadka .

Si kastaba ha ahaatee, cabashada askarta ee ku saabsan mushaar la’aanta ayaa muujineysa in weli ay jiraan caqabado ku saabsan bixinta mushaaraadka ciidamada, iyadoo la sugayo in Wasaaradda Maaliyadda ay ka jawaabto cabashadan isla markaana ay caddeyso sababta keentay dib u dhaca mushaarka bishan.