Guddoomiyaha Gudiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, Cabdi Kariim Axmed Xasan, ayaa la kulmay Karin Johansson, oo ah safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray nidaamka doorashooyinka iyo qorshayaasha Gudiga ee qabashada doorasho dadweyne.
Cabdi Kariim ayaa xusay in Gudiga uu ka shaqeynayo fududeynta doorashooyin xor ah, cadaalad ah, oo lagu kalsoonaan karo dhammaan heerarka dowladda, iyadoo la xaqiijinayo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku doortaan hoggaamiyeyaashooda si xor ah oo waafaqsan dastuurka.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah, iyadoo lagaga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in nidaamka doorashooyinka Soomaaliya uu noqdo mid hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Cabdiikariin Axmed Xasan Oo ah Gudoomiyaha Gudiga Ay DF u idmatay qabshada Nuuca Doorosho ee dowlada uga tala gashay in ay ka qabato Dalka ayaa ka hadalay mar kale Sida ay Suurogal ugu tahay in ay Qabtan Dooroshada Labada heer Ee kala Mida Golaha deegaanka ee Sanadkan iyo Mida heer qaran ee 2026
Waxaa uu sheegay In bisha 6aad ee Sanadkan ay Dooroshada Golaha Deegaanka ka qabsoomeyso
Magaalada Muqdisho, Horshabelle, Galmudug, KG, Maamulka SSC Balse waxaa uu ku dhici waayey Maamulada PL & JL wali wuu sheegay in Go,ka gedo degmooyinkiisa ay ka qabanayaan dooroshadasi
Xili ay Jubbaland & DFka Si weyn isugu hayaan mamaulka Degmooyinka Gedo.
Gudiga uu Go’aanka Ku dhowaaqay ma ahan Mid weli ka Talaabay Muqdisho Ma ahan Gudi Dooroshada uu ka shaqeenaayo ay Heshiis ku yihiin Saamileyda Siyaasada oo idil oo waxaa horay gaashaanka uga dhuftay Maamulada PL & JL iyo Madaxdii hore Ee Dalka oo inta ugu badan Hal mowqif oo diidma horay uga qaatay.