Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Dowladda iyo shacabka Turkiga kaddib dabkii khasaaraha badnaa dhaliyay ee ka kacay hotel ku yaalla magaalada Kartalkaya, oo ah goob caan ah oo Ciyaaraha Barafaka lagu ciyaaro, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo aad u badan, oo dhimasho iyo dhaawac ah. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay shacabka iyo dowladda Turkiga ay la dareeymeyso murugada dadkii uga geeriyooday Hotelka, waxaana wasaaradda ay bogsiino deg deg ah u rajeeysay kuwa dhaawaca uu kasoo gaaray dabkaasi. Ugu yaraan 66 qof ayaa ku Geeriyootay dab ka kacay goob barafka lagu ciyaaro oo u dhow Gobolka Bolu oo ku taal waqooyi galbeed ee Turkiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga Talaadadii. Wasiirka arrimaha gudaha Cali Yerlikaya ayaa sheegay in dabku uu ka kacay hotel maqaayad ah oo ku taalla deegaanka loo tamashlaha tago ee Kartalkaya ee gobolka Bolu, isagoo intaa ku daray in dabkaan ay ku dhaawacmeen 51-qof oo ugu yaraan mid ka mid ah uu xaaladdiisu aad u liito. “Aad ayaan uga xunahay, nasiib darro 66 qof ayaan ku waynay dabkii ka kacay hoteelkan,” ayuu yiri Yerli Kaya oo saxaafadda la hadlay kaddib markii uu kormeeray goobta uu dabku ka kacay. Sidoo kale Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa uga tacsiyadeeysay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda Geerida 66 Qof ee Hotelka ku geeriyootay waxaana caafimaad deg deg ah u rajeeysay kuwii dhaawaca uu kasoo gaaray inuu alle deg deg usoo bogsiiyo.

6

Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah oo si ku meel gaar ah u joojinaya dhammaan barnaamijyada kaalmada dibadda ee Mareykanka muddo 90 maalmood ah, iyadoo la sugayo dib u eegista si loo qiimeeyo haddii ay la socdaan yoolalka siyaasadeed ee maamulkiisa.

Amarkan oo qayb ka ah tallaabooyin fulineed oo taxane ah oo la saxiixay maalintii ugu horreysay ee Trump ee xafiiska, ayaa dhaleeceynaya waaxda gargaarka dibadda, isagoo ku andacoonaya in ay gacan ka geysaneysaan xasillooni darro caalami ah oo kor u qaadeysa siyaasadaha shisheeye ee ka soo horjeeda nabadda caalamiga ah.

Trump wuxuu ku dhawaaqay in aan kaalmo shisheeye oo Mareykan ah lagu bixin doonin qaab aan si buuxda ula socon siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweynaha Mareykanka.

Xoghayaha Arimaha Dibada Marco Rubio, ayaa sheegay in doolar kasta oo Mareykanka ah oo lagu bixiyo gargaarka dibadda ay tahay inuu buuxiyo saddex shuruudood: “Miyay Ameerika ka dhigaysaa mid nabdoon? Miyuu Mareykanka ka dhigayaa mid xoog badan? Miyuu Mareykanka ka dhigayaa mid barwaaqo ah?”

Trump ayaa muddo dheer dhaleeceeynayay kaalmada dibadda, oo sida caadiga ah ka kooban 1% miisaaniyadda federaalka, Mareykanka ayaa gargaar dhaqaale siiya waddamo ay ka mid yihiin Ukraine.

Soomaaliya, Maraykanka ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn, isagoo sanad kaste lacag ka badan hal bilyan oo dollar ku maalgaliya dowlad dhiska Soomaaliya.