Somaliland iyo Itoobiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Millateriga iyo Amniga

6
Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashiga dhinaca millateriga iyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa, Ambasadoor Teshome Shunde Hamito, oo ay weheliyaan Jeneral Gabadhi iyo Col. Abara, ayaa ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga ciidamada.

“Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL iyo Ambasadorka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa ka wada hadlay xidhiidhka iskaashi ee dhanka millateriga iyo amniga ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa in muddo ah lahaa iskaashi dhinaca amniga ah, iyada oo xuduudda u dhaxaysa ay tahay ta ugu amniga badan marka la eego xuduudaha ay  Itoobiya la wadaagto jaararkeeda kale.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa Somaliland ka caawisa dhismaha ciidamada, iyada oo sannad kasta u tababarta kumanaan askari oo iskugu jira millateri iyo booliis.