Shir saddex-geesood ah oo u dhaxeeya Masar, Soomaaliya iyo Eritrea oo ka dhacaya Qaahira

6

Dr. Badr Abdel Caati, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa berri oo Sabti ah qaabili doona Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Faqi.

Saddexda wasiir arrimo dibadeed ayaa qabanaya shir ay yeelanayaan guddiga isku dhafka ah ee saddex geesoodka ah ee sedexdaasi dal ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya iyagoo diirada saari doon qodobadii heshiis madaxda dowladahaasi ay ku gaareen magaalada Asmara.

Sida ku xusan war-saxaafadeedkii ay Bishii October ay soo saareen, Madaxda Dowladdaha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea heshiiskoodi ayaa dhigayay in dalalkan ay sare u qaadaan iskaashigooda dhinaca ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Dhanka kale wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan kula qaatay magaalada Qaahira dhigiisa dalka Masar oo ay kawada hadleen arrimo quseeya ka qeyb qaadashada ciidamada Dowladda Masar ee howlgalka cusub ee AUSSOM.

Todobaadka soo socdo ayaa ka filayaa inay Masar iyo Soomaaliya sii wadaan wada hadalada ay ka yeelanayaan qaabka ciidamada Masaarida lagu keeni lahaa Soomaaliya.