Madaxweyne Koonfur Galbeed oo Magacaabay labo Guddoomiye Gobol

10

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaasha gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Cali Wardheere Dooyow, halka Shabeelaha Hoose, mar kale lagu soo celiyay Ibraahim Aadan Najax.

Wareegtada ayaa lagu faray guddoomiyeyaasha cusub in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka loo magacaabay, ayna dardargelinayaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Lafta Gareen ayaa maalmahan isbeddalo ballaaran ku waday maamullada degmooyinka iyo kuwa gobollada ee maamulkaasi.