Wararka naga soo gaaraya degmada Dolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha degmadaasi oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Labada dhinac ayaa lasoo warinayaa in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan halkaasi, taas oo keeni karto in mar kale ay isku dhacaan labada ciidan.
Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inay ka hortegtay weerar ay sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen garoonka Doolow, kadibna dagaalkii dhacay ay uga saartay degmadaasi.
Dhankeeda dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa eedeyn u jeedisay Axmed Madoobe oo ay sheegtay in lagula xisaabtami doono tacadiyo ay tilmaamtay inuu ka wado deegaannada Jubbaland.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa in mar kale uu dhiig ku daato degmada Doolow ee gobolka Gedo.