Taliye Cabdi Kaafi “Madaxwaynuhu haduu amro in la soo afjaro Malayshiyaadka Raas kaambooni lageeyay waan soo afjareyna”

4

Taliyaha ciidanka Daraawiishta guutada Birjeex ee Jubaland Cabdi kaafi oo Shir jaraa’id ku qabtay deeganka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ayaa digniin adag u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Raas kambooni.

Taliye Cabdi Kaafi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Fedaraalka ay geeysay Raas kambooni iney ku soo afjari karaan waqti kooban, hayeeshee ay sugayaan kaliya amarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Anaga ciidankeenu waxay ku mashquulsanyiin la dagaalanka Khawaarijta, waxana maqlaynay in deeganadii xorta ahaa ee Jubbaland ciidamo kale la keenay, Madaxwaynuhu haduu amro in la soo afjaro Malayshiyaadka Raas kaambooni lageeyay waan u ruqaansan doona waqti kooban ayaana ku soo afjareyna” ayuu yiri taliyaha guutada Birjeex ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Cabdi Kaafi.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay taliye Cabdi Kaafi in dhulka deegaanada Jubbaland ay ka xureeyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana cid kale aysan ka yeeli doonin iney dhibaato ka geysato deegaanada Jubbaland.

Hadalkaan kasoo yeeray taliyaha guutada Birjeex ee Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda Fedaraalka ay dhawaan geysay deegaanka Raas kambooni ay ku biirayeen maalmahii lasoo dhaafay ciidamo ka tirsana kuwa Daraawiishta Jubbaland.