Xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa taageero buuxda u muujiyay madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta markii saddexaad lagu doortay magaalada Kismaayo.
Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa yiri “Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota.
Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay. Doorashada Jubbaland waxay meesha ka saartay muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee madaxda dowladda Federaalku ku cadaadinayeen Dowlad Goboleedyadda Dalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Madaxweyne Axmad waxaa horyaalla hawlo culus oo baaxad wayn leh oo ay ugu muhiimsan yihiin dib u heshiisiinta bulshada Jubaland, la dagaallanka Khawaarijta, adkaynta nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada reer Jubaland. Doorashada Madaxweyne Madoobe waxay soo afmeeraysaa rajadii muddo kororsiga ee Villa Somalia ee ku hoos duugnayd muddo kordhinta madaxda dowlad Goboleedyada”.