Wasiir Fartaag ” Wixii maanta ka dhacay Kismaayo waxaa ka dambeeyay Axmed Madoobe”

3

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa sheegay inuu si kulul u cambaareenayo weerar uu sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ku qaaday Hotelka AGAN oo ay deganayeen dad shacab iyo ilaalada Siyaasiyiinta gaar ahaan Senator Ilyaas Bedel Gaboose sida uu hadalka uu u dhigay, waxaana weerarkaasi uu wasiirka ku tilmaamay mid argagexiso ah.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay inuu uga digaayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed inaysan ku milmin arrimaha Siyaasadda ee ka taagan Jubaland ayna ku koobnaadaan sugida amaanka howlaha loo igmaday oo kaliya, waxaana uu Wasiirka ugu hanjabay cidii ku lug yeelata inay muteeysan doonto Maxkamad.

Wasiirka waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Jubaland doonaayo inuu dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo Bulshada ku nool magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa u tacsiyadeeyay dadkii maanta ku dhintay israsaaseentii dhexmartay Ciidamada Jubaland iyo ilaalada Siyaasiyiinta Jubaland ee ku sugnaa Hoteelka AGAN ee Magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa hadda degan, waxaana dib usoo laabtay isku socodkii dadka iyo gaadiidka oo waqti yar hakad galay.