Wasiir Fiqi oo digniin u jeediyay diblumaasiyiin lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen Qaranimada Soomaaliya

4

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa qaar kamid ah diblumaasiyiinta shisheeye ku eedeeyay inay ku xad gudbeen qaranimada iyo midnimada dalka.

Fiqi oo hadal ka jeediyay xaflad ay ku qalin jabinayeen dublamaasiyiin oo ka dhacday xarunta wasaaradda, ayaa dhaliilay safiirro booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Somaliland, isagoo sheegay in tallaabada ay qaadeen ay dhaaftay shaqadii loo igmaday ee dublamaasiyadeed.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan u yeerno mid ka mid ah safiirradan si bareer ah u xaqiray qaranimada Qarankeenna,” ayuu yiri Fiqi oo aan magacaabin dublamaasigaasi iyo dalkooda. Waxa uu xaqiijiyay in Wasaaradu ay codsatay in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya si ay uga wadahadlaan,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi waxa uu carrabka ku dhuftay in diblomaasiyiinta  looga fadhiyo inay ixtiraamaan madax-banaanida dhuleed ee dalka, isla markaana ay waajib ku tahay inay Somaliland u aqoonsadaan qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

“Waxaan uga digaynaa dhammaan dublamaasiyiinta in hadallada mustaqbalka ee khuseeya Somaliland ay si cad u caddeeyaan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, haddii taas la sameeyo waxay keenaysaa tallaabooyin ku habboon,” ayuu raaciyay.

Hadalka wasiirku waxa uu daba socdaa socdaal ay dhawr dublamaasiyiin ahi dhawaan ku tageen magaalada Hargeysa oo ay ugu kuurgalayeen doorashada Somaliland.