Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, iyadoo hadafkeeda ugu weyn uu yahay inay ammaankeeda ka ilaaliso gudaha dalka Soomaaliya oo ku dhawaad 20 sano ay Ciidamadeeda ka howlgalayeen.
Nebiyat Getashaw, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu kaalin mug leh ka qaatay dagaalkaAl-Shabaab, oo khatar ku ah sida uu xusay ammaanka gobolka Geeska Afrika.
“Al-Shabaab waxay weli khatar ku yihiin amniga Itoobiya, dadaallada looga hortagayona waa ay sii socon doonaan xaalad walba,” ayuu afhayeenku ku nuux-nuuxsaday.
Wuxuu Afhayeenka tilmaamay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin laboo dal oo deris ah oo “aan la kala maarmin”, Itoobiya waxay sii wadi doontaa hirgelinta aragtideeda istaraatiijiyadeed si ay “xoojiso is-dhexgalka gobolka mustaqbalka fog.”
Maalmo ka hor, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in Itoobiya ay tahay waddan ‘cadow ah’, wuxuuna meesha ka saaray in ay ka qeyb-galeyso howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee la filayo in uu bilowdo Janaayo 2025-ka.
Wasiir Nuur waxa uu ku dooday in heshiiskii dhawaan ay Itoobiya la gashay Somaliland uu wax u dhimayo madax-banaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudayso madax-bannaanida dalka, iyadoo rabta inay si sharci darro ah ku gasho Badda Cas.
Heshiiska Badda Abiy Axmed la galay Muuse Biixi ayaa sii huriyay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo beesha caalamku ay walaac ka muujisay xiisadda oo keeni karta dib inay usoo xoogeysato kooxda Al-Shabaab kadibna ay weeraro ku qaado dalalka gobolka Geeska Afrika.