Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay xirtay qaar kamid ah baraha bulshada dadka aan ku fikirka ahayn

8
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh Yuusuf Al Cadaala ayaa warbaahinta maanta kala hadlay arin hadal heyn badan dhalisay oo maalmihii lasoo dhaafay baraha Bulshada haysatay kaa oo ku saabsan in la xiray qaar kamid ah Pageka dadka Dowladda ku mucaarada Baraha Bulshada iyo qaar ku amaana iyo siyaasiyiin.

Al-Cadaala waxa uu sheegay in Dowladda aysan howshaasi ku luglahayn oo ay ka shaqeeyso arrimaha dhowrida xaquuqda warbaahinta iyo horumarinta xuriyatul Qowlka, waxaana eedaha looso jeedinayo Dowladda Federaalka uu ku tilmaamay kuwa raqiis ah oo aan macno badan ku fadhinin.

Wasiirka waxa uu yiri ” ma jirto baahi ama daruuf inagu qasbeeysa inaan beegsano shabakadaha shaqsiyaadkaasi, waxaan raadineyno waa inaan wax ku kordhino waxna ku darno ee maahan inay dhibaateyneeno”.

Wasiirka waxa uu xusay inay wadaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen sharciyo xadeenaya in baraha bulshada si wanaagsan loo adeegsado oo aan dadka lagu dhibaateeyn, waxana uu amaanay sida ay dadka qaar ay wanaaga ugu adeegsadaan iyagoona kasoo saara biilasha qoysaskoodi.

Dad badan oo caan ka ahaa baraha Bulshada ayaa kuwana laga xiray kuwa kalana laga saaray ineey dhinteen taas ayaa waxa ay keentay qeylo dhaan xoogaan oo dadka isticmaala baraha bulshada ay garan waayeen cida sida rasmiga ah ugu shaqada leh xirista barahaan bulshada.