Ugu horreyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahacelieyey labada gole ee Baarlamaanka isaga oo sharxay mabaadi’da iyo ahmiyadda Hindise Sharciyeedka isagoo yiri “Si waafaqsan qodobka 47aad ee Dastuurka, 3da hindise xeereed waxaa lagu saleeyay mabaadi’dan kala ah:
• Damaanad qaadka xuquuqda siyaasadeed ee muwaaddinka sida ku xusan qodobka 21aad ee Dastuurka,
• Damaanad qaadka in dhammaan muwaaddiniinta buuxiyay shuruudaha xeerku tilmaamay ay leeyihiin xaqa dhiibashada codkooda si siman;
• Sugidda geeddi-socodka doorashada, oo si sahlan loo fahmi karo xeerarkiisa, qaababkiisa iyo habraacyadiisaba, uuna fulinayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha;
• Sugidda in bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay helaan matalaad caddaalad ah;
• Dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, isla markaana tixgelinaya xaaladda amni iyo tan dhaqan-dhaqaale ee Jamhuuriyadda”.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka codsaday Xildhibaannada Labada Gole in waajibka ka gutaan, ayna ansixiyaan Shuruucda muhiimka u ah dalka
Intaa kadib Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay guda galay codeeynta xeerarkaani waxaana gacantaag ugu codeeyay 170 Mudane, mana jirin cid ka aamuustay ama diiday sida ay ku dhawaaqday gaba gabadii codeeynta gacan taaga Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji.