Illaa sadex ruux oo ganacsato ahaa ayaa maanta lagu dilay agagaarka iskuulka Axmed Gureey oo ku yaalla degmada Daaru-salaam ee gobolka Banaadir.
Sadexda qof ayaa waxaa lagu dhex dilay dukaamadii ay lahaayeen xilli ay ku guda jireen howlahooda shaqo.
Ganacsatada la dilay ayaa la sheegay in ay u xirneed Kaamiradda CC Tv oo ay ku amartay dowladda in ay xirtaan, hadii kalena tillaabo laga qaadayo si loo sugo amniga caasimada.
Geesta kale waxaa barbar socoda amarka dowladda hanjabaada Al-Shabaab ee ah in ay beegsanayaan ganacsatada ku dhiirata in ay xirtaan kaamirooyinka wax basaasa.
Ciidamada amaanka dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaas oo howlgalo ka sameeyay halka falka uu ka dhacay ee agagaarka iskuuka Axmed Gureey ee Degmada Daaru-salaam.
Xaalada aaga ay wax ka dheceen ayaa hadda ah mid kacsan iyadoo la tilmaamayo in ay jiraan ganacsiyo albaabada la’isugu dhuftay.