Cabdiwaaxid Cali Gama’diid iyo Nageeye Cali Khaliif oo kasoo muuqday jiidaha dagaalka ee Alshabaab

4

Alshabaab ayaa markii ugu horraysay shaacisay muuqaalka Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid oo kamid ahaa abwaanada reer Somaliland, kaasoo si toos ah ugu biiray kooxda Alshabaab.

Sawirro lagu faafiyay internetka ayaa dhinaca kale lagu arkay Gama’diid iyo Nageeye Cali Khaliif oo ku labisan dareeska ciidanka, watayna labo qori oo Ak47 ah, kuwaas oo ku sugnaa goob ciidan.

Gamaaadiid ayaa muddo dhowr bilood ah laga weysanaa magaalada Hargeysa oo uu ku noolaa, waxaana markii dambe soo baxay warar sheegayay inuu u goostay dhinaca Alshabaab.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Alshabab ayuu ku sheegay inuu muddo sano ah aaminsanaa fikirka xagjirnimada. Wuxuu tusaale usoo qaatay gabayadiisa oo u badnaa kuwa uu ku taageeri jiray dhaqdhaqaaqyada Alshabaab, isagoo dhowr jeer loo xiray inuu xiriir la leeyahay Alshabaab.

Maamulka Puntland ayaa dhowr sano ka hor dil toogasho ah ku xukumay Gamaadiid, ka dib markii lagu eedeeyay inuu katirsan yahay Alshabaab. Hase ahaatee, markii dambe ayaa lasii daayay ka dib codsi ka yimid odayaal beeshiisa ah oo tagay Garowe.

Waa qofkii 3aad oo caan ka ah degaanada Somaliland oo intii dhawaanahaan ah ku biira Alshabaab. Horey waxaa ugu biiray abwaan Nageeya Cali Khaliif oo bare ka ahaa jaamacadda ummadda Soomaaliyeed iyo Sheikh Aadan Sunne oo ahaa wadaad aad looga yaqaanay degaanada Somaliland.