Wasiir Alcadaala: Ciidankii loo tababaray inay Shabaabka kula dagaalamaan Galgala waxaa diidan madaxweyne Deni

3
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidanka qaran oo ka howlgalla meel kaste oo dalka Soomaaliyeed  kamid ah.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay Puntland in ay si cad uga hortimid in ciidamo laga qoro degaanadooda, si ay uga mid noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay degaanada Soomaaliyeed inay si toos ah uga howlgalaan ciidamada qalabka sida qeybahdooda kala duwan. Wuxuu sheegay meesha kaliya ee laga diiday ciidanka Soomaaliyeed in ay tahay Puntland.

“Guutooyinkii loogu talo galay inay ka howlgallaan 54aad iyo dhulkaan in maamulka Puntland uu hor istaagay miyaan la ogayn? Ciidankii dowladda Federaalku tababartay ee Galgala ka dagaalami lahaa ee Shabaabka la dagaalami lahaa, waxaa hortaagan Puntland,” ayuu yiri Alcadaala.

Wuxuu sheegay dowladnimada Soomaaliya in soconayso, isagoo sheegay dowladdu inay diyaar u tahay inay la fariisato Puntland, kalana xaajooto waxa ay ka tabanayso.

Hadalka wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa kusoo aaday, iyadoo dhawaan madaxweyne Deni uu sheegay in Puntland ay kaligeed ku tahay dagaalka ay kula jirto Shabaab iyo Daacish. Wuxuu sheegay taageerada caalamku ku bixiyo amniga dalka in aysan soo dhaafin Muqdisho.