Dowladda Soomaaliya oo ugu dambayn bishaan October u qabatay in Itoobiya ay ka baxdo heshiiska Somaliland

5

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambayn bishaan October u qabatay Dowladda inay Itoobiya uga baxdo heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland.

la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali ayaa u sheegay wargeyska The New Humanitarian in ciidamada Itoobiya sii joogaankooda Soomaaliya uu ku xiran tahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxayaan is afgaradka badda ee Somaliland. Isagoo intaa ku daray in Itoobiya ay haysato ilaa bisha Oktoobar.

“Waxaan isku daynay inaan siino waqtiga ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin waxaan u maleynayaa inay hadda soo dhowaaneyso ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalkeenna.

Xuseen Sheekh Cali waxa uu sheegay ciidamada Itoobiya joogitaankooda inuu saamayn taban ku leeyahay dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay dareemayaan in Itoobiya ay ku socoto gardaro iyo boobka dhulkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga 3,000 oo askari oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS) ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Howlgalka ay qeybta ka yihiin ciidamada Itoobiya ayaa ku eg December 2024, iyadoo la filayo in bisha Jannaayo ee sannadka 2025-ka lagu bedelo howlgal cusub oo ay ka qeyb galayaan tiro yar oo ciidamo ah.