Madaxweynaha Jubbaland oo isaga baxay Shirka Wadatashiga Qaranka, dibna ugu laabtay magaalada Kismaayo

7
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Saakay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii lagu guuldareystay dadaaladii la doonayay in lagu qanciyo Axmed Madoobe si uu uga tanaasulo qodobadii uu hordhigay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sababaha madaxweyne Axmed Madoobe uu uga baxay Madasha Wadatashiga Qaran ayaa la xariirtay inuu diiday in madashada ay kasii maqnaadaan Puntland iyo Khaatumo, islamarkaana la’aantood suurtagal aheyn in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Talaabadaan uu qaaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka dhigan in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho afartii maalmood ee lasoo dhaafay iney kasoo bixi doonto natiijo saameyn taban ku reebi karta go’aanadii horay looga filaayay iney kasoo baxaan Shirka.

Si kastaba ha ahaatee shirkan Wadatashiga Qaran ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah u lahaa arrimaha doorashooyinka, dib u heshiisiinta, iyo wadashaqeynta dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana haatan muuqato in Jubbaland ay ku biirtay khilaaf mudo sanad ah shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka uga maqan tahay Puntland.

Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya iyo tan maamulka Jubaland oo ku aadan sababta keentay in madaxweyne Axmed Madoobe uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo, iyadoo wali uu ka socdo magaalada Muqdisho shirka Golaha wadatashiga qaranka.

Ugu dambeyntii is mari waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka qaarkood ayaa keeni kara dib u dhac ku yimaada qorshayaasha qaran ee muhiimka u ah Soomaaliya.