Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

5

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
Wasiir Fiqi ayaa khudbadiisa si adag uga dhaliilay damaca guracan ee dowladda Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya, isagoona xusay in Itoobiya colaada ka jirta gudaheeda ay indhaha ka qarsan hayso,  kuna mashquulsan tahay sidii ay ku qabsan laheyd dhul Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale khudbadiisa kusoo bandhigay in la qabtay hub sharci daro ah oo Itoobiya ka yimid, kuwaas oo lagu hurinayo dagaalo maxalli ah oo awood siinaya kooxaha xagjirka ah, wuxuuna tallaabooyinkaas ku tilmaamay Wasiirka xadgudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanida Soomaaliya.

Wasiirka Fiqi ayaa sidoo kale xusay taageerada Howlgalka kumeel gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS in wax badan uu ka qabtay dagaalada dowladda Fedaraalka kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Ugu dambeyntii Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa khudbadiisa ku xaqiijiyay in Soomaaliya ka go’an tahay la shaqaynta Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga iyo maamulidda, wuxuuna mahadcelin iyo amaan u jeediyay Danjire Sania Strasi doorkii ay ka qaadatay doodihii hore.