Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo isku mari la’ qodobka Doorashooyinka dalka

3
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxda golaha wadatashiga Qaranka ee ku shirsan maalintii sadaxaad magaalada Muqdisho iney isku khilaafsan yihiin hanaanka loo wajahayo geeddi socodka doorashooyinka mustaqbalka.

Madaxda ayaa lasoo warinaya iney isku mari la’ yihiin arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan qorshaha loo socdo ee ah in dalka laga hirgeliyo nidaamka doorasho ee qof iyo codka ah mudo ku siman afar bilood gudahood, sida warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan.

Madaxda dowladda Fedaraalka ayaa usoo bandhigay kuwa dowlad goboleedyada in nidaamka doorashooyinka uu muhiim yahay, islamarkaana lagu xoojinayo hay’adaha dimuqraadiyadeed ee curdanka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro maamul dadweyne oo loo wada dhan yahay.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe inuu dhankiisa sheegay in arrinta doorashada saldhigeedu yahay in marka hore la keeno madasha golaha Wadatashiga Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxyaabaha sidoo kale la isku mari la’ yahay shirka waxaa ka mid ah adeegsiga magaca madaxweynaha ee dowlad goboleedyada in loo badalo guddoomiye, waxaana la tilmaamay in arrintaas ay diidan yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

“Dowladda federaalka waxay si aad ah uga walaacsan tahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada ay qorsheynayaan inay qabtaan doorashooyin xiran, oo la mid ah kuwii hore ee dadban, si natiijada loo maamulo” ayaa lagu yiri ilo wareedka

Si kastaba ha ahaatee kooxaha mucaaradka oo ay ugu horeyaan Xisbiga Himilo Qaran ayaa si xooggan uga soo horjeestay isku day kasta oo lagu doonayo in lagu kordhiyo mudada xil haynta madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkaan galay maalintiisa sadaxaad ee la isku mari waaysan yahay qodobada qaar ayaa waxaa ka maqan oo aanan qeyb ka aheyn maamulka Puntland oo shaaciyay ineysan khuseyn go’aanada kasoo bixi doona shirka.