Puntland oo beenisay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka inuu salka ku hayo diidmada raysal wasaare Xamse

7

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa beeniyay in khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya uu salka ku hayo diidmo ay ka qabaan xilka uu ku fadhiyo raysal wasaare Xamse.

Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa sheegay sababta ay ugasoo horjeedaan dowladda Federaalka in ay tahay siyaasadda iyo aragtida ay ku shaqeyso dowladda Federaalka, wuxuuna aragti qaldan ku tilmaamay in Puntland ay diiddan tahay matalaadda raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Qof kasta oo yimaada kursiga ra’iisul wasaaraha ama madaxweynaha Soomaaliya, haddii uu ku shaqeynayo aragti ka hor imanaysa danaha Puntland, waanu ka hor iman doonaa, xitaa haddii uu kasoo jeedo Puntland,” ayuu yiri Ilyaas  Lugatoor.

Lugatoor wuxuu caddeeyay in ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka haddii ay kusoo laabtato sida uu sheegay ku shaqeynta dastuurka lagu heshiiyay, kaasoo uu sheegay in dowladda Federaalka ay wax ka beddeshay, khilaafkana uu halkaas ka yimid.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid, iyadoo Puntland ku dhawaad markii shanaad ay bannaanka ka joogto shirka wadatashiga qaran oo Muqdisho haatan uga socda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Puntland waxay sheegtay Golaha Wadatashigu in aanu haatan matali karin masiirka arrimaha Soomaaliya .