Ku dhawaad 50 ruux oo Tahriibayaal ahaa oo ku geeriyooday xeebaha dalka Jabuuti

8

Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in 45 ruux oo tahriibayaal ahaa ay ku dhinten xeebaha dalka Jabuuti, kadib markii quuseen biyaha Badda Cas doomahii ay la socdeen.

Dadkaan dhintay ayaa qeyb ka ahaa 310 ruux oo saarna laba doomood oo kasoo shareecday xeebaha dalka Yamen, waxaana dadkaas laga badbaadiyay 32 ruux kaliya, halka 233 ruux oo kale wali lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

32-da ruux ee laso badbaadiyay ayaa la dajiyay mid ka mid ah xarumaha sida gaar ah u qaabilsan gacan ku heynta tahriibayaasha oo ku taala dalka Jabuuti.

Ciidanka Badda Jamhuuriyadda dalka Jabuuti iyo howl wadeenada Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa lasoo warinaya iney ku howlan yihiin soo badbaadinta dadka la waayay oo wali laga raja qabo qaarkood iney nool yihiin.

Si kastaba ha ahaate dowladda Jabuuti iyo Hay’adda IOM wali ma sheegin jinsiyadda dadkaan muhaajiriinta ah ee doomahii ay saarnayeen kula qaraqmeen badda dhexdeeda sababaha keenay in tiro intaas la eg ay kusoo raacaan laba doomood kaliya.