Midowga Yurub oo Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro ah

3

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya u balan-qaaday Sagaal Milyan oo Yuuro, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, uu shirka la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson, iyo xubno ka tirsan xafiiskeeda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda dalka, iyo taageerada Midowga Yurub ee  Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixin ka bixiyay dadaallada Dowladda ee ah kororka dakhliga gudaha iyo hufnaanta maaliyadeed, isagoo muujiyay juhdiga Wasaaradda si loo miro dhaliyo.

Safiirka Midowga Yurub ayaa si diiran u soo dhaweysay warbixinta Wasiirka, waxayna ku dhawaaqday in lacagta Sagaalka Milyan ee Yuuro loo isticmaali doono si loo horumariyo:-

1.   Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa.

2.   Faderaaleynta Hannaanka Maaliyadda dalka.

3.   Horumarinta Waxbarashada loo dhanyahay.

Biixi Iimaan Cige ayaa ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub, isagoo tilmaamay in ay tahay mid muhiim u ah qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda, taas oo saameyn togan ku yeelan doonta dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka.

Midowga Yurub waxa ay kamid yihiin saaxiibada muhiimka ah ee Dowladda Soomaaliya, waxaana ay door weyn ka qaateen barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya, oo la soo gaba-gabeeyay dabayaaqadii 2023-kii.