Somaliland oo walaac ka muujisay uu xiriirr ka dhexeeyo Al Shabaab iyo Xuutiyiinta dalka Yemen

7

Somaliland ayaa sheegtay in uu xiriirr ka dhexeeyo kooxaha Al Shabaab iyo Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaasi oo iska kaashanaya khalkhal galinta amaanka gobolka.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo waraysi siiyay Muuqbaahiyaha Al Carabiya, qaybta ku baxda Afka-Carabiga, ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato xiriirrka cusub ee dhexmaray kooxahan.

“Waxa jira xirriir adag oo ka dhexeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo Al Shabaab taasina waxay khatar ku tahay nabada gobolka. Dowlada Soomaaliya waa in ay xakamaysa iskaashiga kooxahan”

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay door wayn ka ciyaarto xakamaynta dhaqdhaqaaqyada khatarta ku ah ganacsiga gobolka, isla markaana, aan lagu halayn Somaliland amaanka badda Cas.

Maraykanka ayaa hore u sheegay in uu jiro xiriir ay sameeyeen kooxaha Xuutiyiinta iyo Al Shabaab, taasi oo laga yaabo in ay sababto in Xuutiyiintu ay hub xoogan siiyaan Al Shabaab.