Jaamacadda Carabta oo ugu baaqday dowladda Itoobiya inay ka fogaato falalka wax u dhimaya xasiloonida Soomaaliya

7

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir-gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ka socday dalalka Carabta, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Kulanka ayaa ahaa mid ay ka qeyb galeen wasiirada ka socda dalalka Sucuudiga, Baxrayn, Mauritania, iyo Masar, iyadoo sidoo kale ay joogeen Safiirka Djibouti iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

Doodda kulanka ayaa lagu saaray sidii loo horumarin lahaa midnimada Carabta iyo taageerada ay siinayaan Soomaaliya, si loo xoojiyo ilaalinta madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Kooxda wada shaqeynta ee Wasiirada Carabta ayaa si cad u muujisay taageeradooda buuxda ee Soomaaliya, iyagoo si wadajir ah u diiday isku dayo kasta oo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo qaranimada Soomaaliya.

Wasiirada ayaa sidoo kale ugu baaqay waddamada dariska, gaar ahaan Itoobiya, inay ka fogaadaan falalka wax u dhimaya xasiloonida Soomaaliya iyo qaranimadeeda.

Kulanka ayaa si gaar ah u diiday Heshiiska Is-fahamka ee Itoobiya (MoU), taas oo lagu sheegay qoraalka rasmiga ah ee Guddiga Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka xubnaha ka ah ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u taageeraan madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo ku saleynaya mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta la’aanta iyo ixtiraamka madax-bannaanida dhuleed.