Ciidamada Qalabka Side ee ku sugan degmada Baardheere oo sameeyey Howl gal Balaaran.

15

Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan degmada Baardhere ee Gobolka Gedo ayaa Subaxnimadii ee Maanta waxay Howl gal Balaaran ay ka sameeyeen Qaar ka mid ah Xaafadaha Baardheere,iyagoona guri guri u galay.

howl gal balaaran ee lagu baarayey Xaafadaha Magaalada ayaa waxaana howl galkaasi si wada jir ah isaga kaashadey Booliska,Melatariga iyo Nabad sugida,inta uu howlgalka uu soconayey waxaa gebi ahaanba la jarey isgaarsiintii Magaalada muddo ku dhow ilaa shan Saacadood.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DF iyo kuwa Jubaland ee hogaaminayey Howl galka  ayaa sheegay in ay ku soo qab qabteen Dad badan oo laga shaki san yahay,waxayna sheegeen marka uu dhamaado Baaritanka in ay la hadli doonaan Warbaahinta.