Masar oo bilowday inay casriyayso diyaaradaheeda dagaalka xilli ay sii kordhayso xiisadda Itoobiya kala dhaxaysa

7

Masar ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gashay Shiinaha si ay u iibiso diyaaradaha dagaalka ee J-10C, iyadoo ujeedadu tahay inay baddasho diyaaradaheeda F-16 ee Fighting Falcons.Sida laga soo xigtay warbixino kala duwan, heshiiska Chengdu J-10C, ayaa la saxiixay bihsii Agoosto 19, 2024. Helitaankan ayaa Masar ka dhigi doona waddanka  labaad ee haysta J-10C, ka dib Pakistan.

Talaabadan ayaa daba socota hadal heynta sii kordheysa ee ah in Masar ay raadineyso bedel ay ku casriyeyso ciidamadeeda cirka, iyadoo dalkaasi uu bilaabay inuu joojiyo diyaaradii F-16 ee hore.

Diyaaradan oo nooceedu yahay J-10C ayaa ah diyaarad dagaal oo nooceedu kala duwan yahay, waxaana lagu rakibay qalab casri ah oo hawo ilaa cirka iyo dhulkaba loo adeegsado.

Awoodeeda waxaa la barbardhigay Maraykanka F-16, oo leh awood gaar ah oo ku saabsan hawlgallada sareynta hawada.

Khubarada ayaa saadaalinaya in Shiinuhu uu balaayiin macaash ah ka heli doono iibinta hubka & diyaaradaha dagaalka ee Masar.

Si kastaba ha ahaatee, Masar ayaa lagu eedeeynayaa inay doonayso inay khalkhal galin iyo xasilooni darro ka abuurto Geeska Afrika. Iyagoo adeegsanaya saldhigyada ciidamada Soomaaliya ayay quburadu sheegayaan suurtagalnimada inay weerarto Itoobiya.

Heshiiska ayaa yimid ka dib markii Qaahira ay diiday dalabyo uga yimid Mareykanka iyo Ruushka si ay u cusboonaysiiyaan ama u bedelaan diyaradaheeda.