Itoobiya oo walaac weyn ka muujisay ka guuridda howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS

8

Itoobiya ayaa ka dhawaajisay walaac ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) una guuri doona howlgal cusub oo taageero nabadeed, taasoo muujineysa sida ay sheegtay Ethiopia, khatarta ka dhalan karta xasilloonida gobolka.

Itoobiya waxay hoosta ka xariiqday inay ka walaacsan tahay hannaanka kala guurka, iyadoo xustay in baaqyada isdaba jooga ah ee ka soo yeeraya Itoobiya iyo dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan (TCC) aan weli wax laga qaban.

Itoobiya waxa ay sheegtay inay ku adkaysanayso sida ay uga go’an tahay la socodka iyo ka jawaabida isbeddelada ka socda gobolka, kuwaas oo ay sheegtay inay khatar gelin karaan nabadgelyadeeda.

Itoobiya waxay sheegtay inay door laxaad leh ka qaadatay nabadaynta iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Ethiopia waxay sheegtay in ay dowladda Soomaaliya la gashay wadahadallo laga gaaray horumar la taaban karo.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in ay ka walaacsan tahay in Soomaaliya ay gacan saar la leedahay waxay ugu yeertay kooxo shisheeye oo ujeedkoodu yahay in ay xasilooni darro ka abuuraan gobolka.

Itoobiya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh diyaarinta iyo oggolaanshaha howlgalka cusub ee taageerada nabadda inay tixgeliyaan welwelka waddamada gobolka iyo kuwa ciidamada ugu taburacay Soomaaliya. Waxay hadalkeeda kusoo gabagabaysay in ay ka digayso ciidamada isku dayaya in ay huriyaan xiisadaha iyaga oo ujeeddooyin cidhiidhi ah iyo dano gaar ah wata.

Warkan kasoo baxay Ethiopia ayaa imaanaya, labo maalmood kaddib markii dowladda Masar ay Soomaaliya usoo dirtay Labo diyaaradood oo siday shaqaale iyo qalab, taasoo muujineysa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday heshiiska iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.