Kooxda Marwo Caafimaad ee degmada Baardheere oo la guddoonsiiyey shahaadooyin

7

Kooxda Marwo Caafimaad ee degmada Baardheere ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin ka dib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, Isla markaana ay ka soo qeyb galeen gabdhaha Marwo Caafimaad, kuwaas oo u Abaabulan inay ka shaqeeyaan Barnaamijka daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Sidoo kale, xafladda waxaa ka soo qayb galay maamulka degmada, Ururka Haweenka, saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka degmada  iyo waxgarad kale.

Ujeeddada xafladda ayaa ahayd in kooxda Marwo Caafimaad lagu guddoonsiiyo shahaadooyin, kadib markii ay soo dhameysteen tababar ku saabsan kor u qaadidda aqoonta iyo wacyi gelinta bulshada, gaar ahaan Daryeelka hooyada iyo dhalaanka.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maal mahan waxaa ku sugnaa Wafdiga uu horkacayo Gudoomiye Ku xigeenka Gudiga Dhismaha Buundooyinka Gobolka Gedo,islamarkaana uu Xubin ka yahay Madaxa Abaabulka Bulshada ee Dhaqaala Aruurinta Buundooyinka Gobolka Gedo.