Muqdisho: 26,570 qof oo tartan u galay boosas looga baahan yahay 3,000 macalin

9

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 26,570 barayaal ah ay tartan u galeen  boosas loogu talo galay in loo qaato 3,000 oo bare.

Waa tiradii ugu badnayd ee halmar codsata shaqo lasoo dhajiyay, taasoo muujinaysa heerka shaqo la’aanta dalka ka jirta, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku doodayso inay kor u qaadday heerka shaqaalaysiinta dhallinyarada.

21,083 kamid ah tartamayaasha, ayaa ah rag, halka 5,487 ay yihiin dumar.  Sidoo kale 12,670 oo tartame oo 9,546 kamid ah rag ah iyo 3,124 dumar ah – ayaa ku guuleystay imtixaan qoraal ah waxayna u gudbi doonaan marxaladda xigta.

Qorshahan shaqo qorista ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee wasaaraddu ku doonayso in ay ku xoojiso waxbarashada iyada oo la shaqaaleysiin doono barayaasha cusub iyo balaarinta waxbarashada dalka oo dhan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in mushaaraadka macalimiintan cusub lagu daray Miisaaniyadda Qaranka oo dhawaan uu ansixiyay Baarlamaanka.