Ilhaan Cumar oo ku guulaysatay isreeb-reebka doorashada Dimuqraadiga ee Minnesota

7
Ilhan Cumar oo ah xildhibaanad laga soo doorto dalka Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga, kana mid ah xubnaha aqalka sare ee loo yaqaan “Squad” ayaa ku guuleysatay tartankeedii koowaad ee gobolka Minnesota.

Ilhan Cumar, oo 41 jir ah, ayaa si guul ah u difaacday kursigeeda degmada 5-aad ee Minneapolis, iyadoo loolan adag kaga guulaysatay Don Samuels oo ah xubin hore oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis,

Iyadoo taageerayaasheeda kula hadlaysay Minneapolis, Ilhan Cumar waxay ku dhawaaqaysay qaar ka mid ah barnaamijyada musharaxa xisbiga Dimuqraadiga iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris ee ololaheeda doorashada madaxweynaha.

“Waxaa sharaf ii ah in bulshadaydu ay u codaysay in ay dib iigu celiyaan Congress-ka. Guusha caawa waxay ina tusinaysaa in degmada shanaad ay aamminsan tahay qiyamka wadajirka ah ee aanu Washington ugu dagaalamayno,” ayay tiri Ilhan.

Ilhan Cumar ayaa heshay 56.2 boqolkiiba codadka cod bixiyaasha doorashada, marka loo barbar dhigo 42.9 boqolkiiba oo uu helay Don Samuels, sida uu sheegay xoghayaha dawladda ee Minnesota.