Booliiska Soomaaliya oo digniin u diray dadka shacabka ah ee wali degan dhulalka danta guud ah

9
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal burburin ah oo aroornimadii hore ee saakay ku qaadeen dhulkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay la wareegeen dhulkii xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha, islamarkaana loogu shaqeyn doono shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan u sheego bulshada Soomaaliyeed xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalay degmada Boondheere agagaarka Jubba oo ahayd xarun loogu adeegi jiray bulshada in saaka ay la wareegtay dowladda Soomaaliyeed, hadda kadibna loogu adeegi doono dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Cali.

Wuxuu sidoo kale xusay afhayeenka in xarunta ay u diyaarsan yihiin dhamaan mashruucii dib loogu hirgalin lahaa, wuxuna u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed ee dagana xarunta ee saakay ugu dambeyn laga burburiyay guryahii ay ka dhex dhisteen xaruntii hore ee Wasaaradda.

Ugu dambeyntii afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka wali dagan dhulalka danta guud ah oo uu sheegay in looga baahan yahay iney isaga guursaan si la mid ah dhulalka danta guud ee maalmahii lasoo dhaafay laga saaray dadkii deganaa oo uu u dambeeyay dhulka maanta laga saaray dadkii daganaa oo ay laheyd Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.