Kenya oo ciidamo soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya + Ujeedka

15

Wararka laga helayo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay dowladda Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay xuduuda.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas ay sameyn doonaan howlgallo baaritaano ah, isla -markaana ay la socon doonaan dhaq-dhaqaaqa xadka labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay daba socoto qorshaha furista ee xadka, ayada oo la fulinayo heshiiskii East African Community (EAC) oo dhowaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa dhigaya inay isu gudbi karaan dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururkan, ayadoo laga faa’iideysanayo ganacsiga iyo wax soo saarka dal kasta uu leeyahay.

Ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xadka ayaa loogu talagalay inay sugaan amniga, isla-markaana ay ka hortagaan suurtagalnimada weerar ay ka fuliyaan Al-Shabaab.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab aya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada gobolka Waqooyi Bari, iyaga oo beegsada xarumaha ciidamada dowladda Kenya.