Boqolaal qoys oo ka soo barakacay Dagaalo ka dhacey degmada Luuq oo soo gaarey degmada Dolow.

11

In ka badan ilaa 145 qoys oo ka mid ahaa Qoysas danyar ah ee ay saameeyeen Dagaaladii ugu dambeeyey 3 maalin ee la soo dhaafey Kana dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa gaarey Xeryo Barakacayaal ah ee ku yaala duleedka degmada Dolow ee Gobolka Gedo.

sababaha ay soo barakaceen guryahooda inay u adkeysan waateen dagaalo ka dhacay degmadaasi oo dhex marey Labo beelood in noloshooda ay saameyn ku yeelatey,maadama ay weli taagan tahay xiisad colaadeed ee ka dhalatey dagaaladasi

Qoysaskan soo gaarey degmada Dolow ayaa isugu jira Haween,Caruur iyo dad kle oo da,a ah waxayna degeen xerada Barakaca ee Ladan ,dhibaatooyinka ugu daran ee ay Qabaan ayaa waxaa ugu weyn cunno la,aan,Hoy la,aan iyo Byo  yari.

Hadaba waa kuwan Qaar ka mid ah Qoysaskaasi oo ka warbixinaya xaalada nololeed ee ay iminka ku sugan yahiin.

Madaxa Dadka Barakacayaasha ee Dolow nuur siraad Cabdi iyo Hibo Xasan Xaashi oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Dolow soo  kormeeray Xaaklada ay ku sugan yahiin Qoysaskan ka soo barakacay degmada Luuq ayaa sheegay Qoytsaskan inay u baahan yahiin in si deg deg ah loo caawiyo