Waxay warbixintu tilmaamtay in magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qayb ka tahay oo is diiday, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya, iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyayba loo isticmaalay in Somaliland lagu burburiyo.
“Aqoonyahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaadhan hadii Soomaaliya ay soo weerarto Somaliland, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyadoo askartii ay tababareen Eriteriya iyo Maraykanka iyo argagixiso ay la dagaalamayan Somaliland.
Ugu danbayn, Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay xulufo la noqon doonto waddamada Shiinaha, Iran iyo Ruushka hadii xisbiyada mucaaradku doorashada ku guulaystaan, taasina lagaga hortagi karo kali ah in Reer Galbeedku ay hantaan qalbiyada shacabka Somaliland.